(wakaalada wararka somaiya warsom.com)
Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banbaadir.
8 ruux ayaa ku geeriyootay 10 kalan wey ku dhaawacmeen qarax miino oo galabta ka dhacay Wado lagu magacaabo Jeyga oo ku taalla degmad Wadajir ee gobolka Banaadir sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa la sheegay in wadada uu ka dhacay ay si aad ah u isticmaalaan Mas’uuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya Soomaaliya gaar ahaan Gudoomiyaha degmadaasi iyo Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow.
Warar ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in qaraxa dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ay dhamaantooda ahaayeen dad shacab ah, iyadoo dadka halkaasi ku dhaawacmay loo qaaday Isbitaalada Muqdisho.
Ilaa hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxa iyo wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya oo halkaasi gaaray qaraxa kadib.
Aqriso Warsom.com hooyga runta iyo xaqiidada warka soomaaliya