Dowladda Eritrea oo dacwad ka dhan Kenya oo ku aadan soomalia u gudbinayso Qaramada Midoobay

0
485

(wakaalada wararka somaiya warsom.com)

 

21-Nov.(Warsom) xukuumadda Eritrea ayaa u gudbinayso dacwad ashtako ah

qaramada midoobay kadib markii Kenya ay ku eedeysay Eritrea inay gacan

siiso Xarakada AL Shabab ee ka dagaalama dalka Somalia.

 

Eritrea ayaa codsanayso in baaritaanno madax banaan ah la sameeyo oo

ku aadan sheegashada ay dowladda Kenya sheegayso in dowladda Eritrea

ay diyaarado hub sida ay ka dajisay garoomo ay ka taliyaan dhaq

dhaqaaqa Al SHabab ee gacanta ku haya inta badan koofurta iyo

bartamada Somalia.

 

Wasiirka arrimahada dibadda Eritrea CUsmaan Saalax ayaa yiri in

Eritrea ay kalsooni ku qabto inay baaritan lagu sameeyo hadalka

xukuumadda Neyroobi ay ku eedeysan Eritrea in ay gacan siiso kooxda AL

Shabab ee ka dagaalama gudaha Somalia kuwaas oo lala xiriiriyo inay

gacan saar buuxda la leeyihiin ururweynaha AL Qaacida.

 

Ururka AL Shabab ayaa la dagaalamaya dowladda Somalia tan iyo sanadkii

2007 markaas oo ay sidoo kale dagaallo culus la galeen dowladda

Ethiopia iyadoo sidoo kale ciidamada Burundi iyo Ugandha ka jooga

Somalia ayay dagaallo kula jiraan iyadoo haatan uu socdo dagaal ay

kula jiraan qeybo kamid ah gobolada koofureed militariga dowladda

Kenya.

Aqriso Warsom.com hooyga  runta iyo xaqiidada warka soomaaliya