Diyaaradaha dagaalka Kenya duqayn khasaare dhalisay ka sameeyay gobolka gado

0
601

wakaalada wararka somaiya warsom.com)

Diyaaradaha dagaalka ee Dawladda Kenya ayaa weerar ka geystay labo deegaan oo lagu kala magcaabo Dhamas iyo Yaaqle kuwaasi oo dhanka Baardheere uga aadan degmada Ceelwaaq.

Diyaaradaha dagaalka ee Dawladda Kenya oo ahaa nooca Miigga ayaa la sheegay in ay ugu yaraan 7-gantaal ku dhufteen meel ay ku tiilay war ay xoolo badan biyo ka cabbaaayeen.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in diyaaradaha duqaynta geystay oo ahaa labo xabo oo naaca Miigga ah ay kasoo gudbeen dhanka xadka markiibena ay dib ugu laabteen.

Dawladda kenya kama hadlin weerarka khasaarahu kasoo gaaray xoolo dhaqatada ee ay maanta diyaaradaheedu ka fuliyeen gobolka Gedo.

Xarakada Al shabaab oo la rumaysan yahay in ay ahaayeen bartilmaameedka weerarka weli kama hadlin weerarka ay maanta diyaaradaha dagaalka ee Dawladda Kenya ay ka geysteen gobolka Gedo.

Dhowaan ayey ahayd markii diyaaradaha dagaalka ee Dawladda Kenya ay weerarro dhanka cirka ah ka geysteen degmada Badhaadhe oo katirsan gobolka Jubadda Hoose.

Aqriso Warsom.com hooyga  runta iyo xaqiidada warka soomaaliya