Faa faahin kasoo baxeysa dagaal qasaaro geystay oo manta kadhacay dagmda afmadow

0
484

(wakaalada wararka somaiya warsom.com)

Iska horimaad u dhaxeeyey ciidamada dowladda KMG iyo kuwa xarkada mujaahidiinata Al Shabaab oo gaystay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay deegaan hoostaga degmada Afmadow ee gobolka J/hoose.

Iska hor imaadka ayaa kadambeeyay kadib markii ciidamo sahan ah oo ka tirsan dowladda oo marayey inta u dhaxeysa Tuulada Xanye iyo deegaanka Qooqaani ay wadada u galeen rag ka mid ah Al Shabaab.

 

Nita la ogyahay  shan ruux ayaa geeriyootay 8 kalana way  ku dhaawacmeen iska horimaad maanta ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab ku dhexmaray deegaano hoosta degmada Afmadow ee gobolka ee gobolka Jubada hoose.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo ahaa dhinacyadii dagaalamay ayaana jirin wax war ah oo kasoobaxay dhinacyadaasi

Shalay ayey aheyd markii dagaal  dhexmaray Al Shabaab iyo ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo wada socda ay ku geeriyoodeen ilaa 6 ruux oo ahaa dhinacyadii dagaalamay kaasi oo ka dhacay deegaanka Haawina ee gobolka Jubada hoose islamarkaana ay guulo ka kala sheegteen Al Shabaab iyo dowladda KMG Soomaaliya.

Aqriso Warsom.com hooyga  runta iyo xaqiidada warka soomaaliya