(wakaalada wararka somaiya warsom.com)
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen rasaas ay ciidamada dowladda KMG ah ku fureen dad barakacayaal ah oo ku suganaa degmada Kaaraan.
Ciidamada rasaasta khasaaraha sababtay ku furay barakacayaasha ayaa la sheegay inay boobeen raashin loogu talogalay in loo qaybiyay dadka danta yarta ah ee ku sugan degmadaas.
Qof goob jooga ah yaa warsom.com u sheegay “Waxaan arkay dhimashada hal qof oo rag ah iyo dhaawaca laba kale oo ka mid ahaa dad ku sugnaa gudaha xarunta degmada Kaaraan, halkaasoo la doonayay in loogu qaybiyo raashin gargaar ah,” ayay tiri haweeney ka mid ah dadka ku nool degmada Kaaraan.
Goobjoogayaal kale ayaa sheegay in ciidamadii dowladda ay qaateen qaar ka mid ah gargaarkii loo qaybin lahaa barakacayaasha, ayna halkaas isaga yaaceen dadkii la doonayay in gargaarka loo qaybinayay.
Arrintan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo shalay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali uu sheegay inaysan u dulqaadan doonin cid walba oo dhibaato u geysanaysa barakacayaasha.
Toddobadkii hore ayaa waxaa Muqdisho ka dhacay dilal iyo boob loo geystay dadka barakacayaasha ah ee ku sugan xeryaha ku yaalla Magaalada muqdisho