Heshiis ay wada gaareen beesha mataan cabdule iyo xarkada al shabaab oo kadhacay duleedka muqdisho

0
600

 

(wakaalada wararka somaiya warsom.com)

Deegaanka Rati weyne ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay xaflad ballaaran oo lagu maamuusayay go’aano ay isla gaareen maamulka wilaayada Islaamiga ah ee Banaadir iyo qeybaha ay ka koobantahay beesha Mataan Cabdulle oo kamid ah beelaha Mudulood.

Waaliga wilaayada Islaamiga ah ee Shabeelaha dhexe Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Koba kudukade oo marti ku ahaa shirka ayaa kalimado qiimo badan kasoo jeediyay halkaasi isagoona beesha u faah faahiyay faa’iidooyinka laga dhaxlay ku dhaqanka Shareecada islaamka.

Waxyaabihii uu soo hadal qaaday waaliga waxaa kamid ah dhaca, boobka iyo afduubkii ka dhe jiri jiray beelaha Abgaal oo meesha ka baxay kadib markii Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay soo rogeen ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Nabadoon Abshir, Nabadoon Xassan Maxamad Cumar, Nabadoon Axmad Nuur Mocow iyo Nabadoon Caddaan Maxamad Xassan oo kalimado ka jeediyay Munaasabadda ayaa Abwaan taakow uga jawaabay Shiribkiisa waxayna si isku mid ah u ballan qaadeen in ay kasoo dhalaalayaan doorkooda ku aadan Jihaadka. Waa sida ay hadalka u dhigeen.

Ugu dambeyntii waaliga wilaayada Islaamiga ah ee Banaadir Sheekh Maxamad Xassan Cumar oo soo xiray shirka ayaa beesha Mataan uga mahad celiyay go’aankooda isagoona ku amaanay dowrkii ay horey ugu lahaayeen Jihaadka.

Aqriso Warsom.com hooyga  runta iyo xaqiidada warka soomaaliya