Dowladda Uganda oo Shaaca ka Qaaday In ay Diyaarado Dagaal U Soo Direyso Soomaaliya Si ay U Cirib Tiraan Al Shabaab

0
652

Wararka Soomaaliya (wakaalada wararka Soomaaliyeed Ee warsom.com)

Afhayeenka Ciidamada Milatariga ee dowladda Uganda Kornel Felix Kulagye ayaa sheegay in dowladdiisa ay diyaar la tahay in dalka Soomaaliya ay usoo dirto Diyaarada Dagaal Si ay Kaga Qayb galaan La dagaalanka Xrakada Al Shabaab oo ay Ciidamada Amison Ka wadaan Gudaha Magaalada Muqdisho

Sidoo Kale Afhayeenka ayaa Xusay In Diyaar Yihiin Diyaarada Nuuca Qumaatiga U Kaca Oo Gaaraya Ilaa Iyo 4 isla markaana ay Kordhin Karaan haddii Loo Baahdo

Balse Masuulkaan U Hadlay Dowladda Dalka Uganda ayaa Sharuud Ku Xiray Diyaaradahaasi Isagoo Sharuudaasi Gogol Kaga Dhigay In ay QM Iyo Beesha caalamka Bixiyaan Qarashaadkii Ku Bixi Lahaa Daabuli Diyaaradaasi

Afhayeenka ayaa Sidoo Kale Dhaqaalaha Ku Bixi Karo Daabulida Iyo Shidaalka Diyaaradahaani Ku Shegay Lacag Kor Udhaafaya 20 Milyan Oo Dollarka Mareykanka ah

hadalkaan ka Soo Baxay Afhayeenka Ciidamada Milatariga ee dowladda Uganda Kornel Felix Kulagye ayaa Imaanaya Xili Ciidamada Dalka Uganda ay la daala Dhacayaan la Dagaalanka Xarakada Al Shabaab

Wararka Soomaaliya (wakaalada wararka Soomaaliyeed Ee warsom.com)