R/wasaare Gaas Iyo Masuuliyiin Ka Tirsan 2-da Gole Ee Dowladda TFG-da Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

0
441

Wararka Soomaaliya (wakaalada wararka Soomaaliyeed ee warsom.com)

R/wasaaraha Xukuumada KMG ee Soomaaliya Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas, Qaar Ka Tirsan Golahiisa wasiirada Iyo Mudanayaal ka Tirsan Baarlamaanka soomaaliya ayaa Maanta Si wada Jir ah Ugu Soo Laabtay Gudaha dalka Soomaaliya Ka Dib Markii ay Soo Guiteen waajibaadka Xajka Ee sanadkaanoo ah Wasiirka beeraha, xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa dowlada TFG-da Soomaaliya ayaa sheegay in ay hada wadaan dadaalo oo ay ku doonayaan in ay goboladi iyo magaalooyinki ay ka yimaadeen ku celiyaan dadka ay soo barakiciyeen abaaraha baahsan ee ku dhuftay Qaar ka mid ah gobolada dalka soomaaliya.

Masuuliyiinta Uu R/wasaare gaas Hor kacaya ayaa Waxa ay ka Soo Degteen Garoonka Caalamiga aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho Iyagoo Ka soo Duulay Magaalad Makka Ee dalka Boqortooyada Sucuudiga Halkaasoo ay Sanadkaan Muslimiinta Caalamka Kaga la qayb galeen Gudashada waajibaadka Xajka

R/wasaare gaas Iyo wafdigiisa ayaa Waxa Garoonka Si Diiran Ugu Soo Dhaweeyey Qaar Ka Tirsan Golaha wasiirada Xukuumada Gaas, Golaha Baarlamaanka, Saraakiisha Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Amison Iyo waliba fanaaniin

Sidoo kale Mr Gaas Oo Markii Uu ka Soo dagay garoonka Muqdisho la hadlay warbaahinta ayaa waxa Uu Sheegay In uu Si Heer sare ah U Soo Guteen Waajibaadka xajka Sanadkaan Isaga Iyo masuuliyiinta kale waxa Uuna Intaa Raaciyey In ay U Soo Duceeyeen Soomaaliya Si Uu Alle Ugu Sahlo hanashada nabad waarta

Ugu dambeytiina R/wasaare gaas Iyo wafuudiisa ayaa waxa loo Galbiyey xarunta Madaxtooyada Villa soomaaliya Iyagoo Garoonka Muqdisho Looga Qaaday Gawaarida Qufulan Ee Ciidamada Amisom

Wararka Soomaaliya (wakaalada wararka Soomaaliyeed ee warsom.com)