Dibadbax ballaaran oo lagaga soo hor jeedo hishiiskii ay Somaliland iyo Maamulka Khaatumo laba cisho ka hor kukala saxeexdeen magaalada Caynaba ayaa ka dhacay shalay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.
Waxgarad, oday dhaqameedyo, Cuqaal, Waayeel ,Dhalinyaro iyo bulshada kala duwan ee magaalada ayaa isgu soo baxay garoonka kubada cagta ee xabado iyagoo tilmaamay in ay ka biya diidsanyihiin heshiiskaasi waxayna sheegeen in ay ka tirsan yihiin dawlada fedraalkaa ee Soomaaliya.
Caaqil Axmed Xassan ayaa sheegay in heshiisyada lagu saxeexday Burco iyo caynbaba aysan wax ka jirin waxa uuna tilmaamay in muddadii talada ay hayeen ay dhamaatay labadaba.
Faarax Siciid oo ka mid ahaa dadka fagaaraha isugu soo baxay uguna da’ waynaa bulshadii goobta ka hadashay ayaa si adag ugu goodiyay in aan marnaba magaalada Buuhoodle aysan gumaysi gali doonin , waraaqahaasina ay u muuqdaan kuwo lagu doonaayo sidii gacan shisheeyaa magaalada u Qaban lahayd.
Isusoobaxa ayaa ka turjumaya shucuurta kacsan ee bulshawaynta gobolka Cayn , waxaana lagu tilmaami karaa jawaab ay ka bixiyeen hadaladii uu Prof, Cali Khaliif Galayr uu madasha ka jeediyay ee uu Ku dalbanayay in cudud la siiyo si loo caabiyo magaalada Buuhoodle .
warsom2011@gmail.com









