Madaxda Maamul Goboleedyada Qaarkood oo Jowhar Goor dhaw soo gaarey si ay uga qeyb galaan Caleema Saarka M/weynaha Hirshabeele.

0
579

 

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shbeelle waxaa Goordhow gaaray Madaxda maamul goboleedyada si ay uga qeyb galaan munaasabada caleemo saarka madaxweyne Waare.

Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed,Puntland, iyo Galmudug ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaana iyana tegay Jowhar, kuwaas oo Goobjoog ka noqon doona  munaasabada caleemo saarka

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxana wali jowhar ku sii qul qulaya wufuud kala duwan, iyada oo  goor la filayo in uu halkaa tago ra’iisal wasaaraha Kheyre.

warsom2011@gmail.com