Qaraxan oo ahaa mid siweyn looga dareemay caasimada ayaa ka dhacay meel aan wax badan ka fogeyn Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Wali si rasmi ah looma oga halka bartilmaameedu ahaa , waxaana soconaya gurmad xoogan oo loo fidinayo dad ay wax yeeladu soo gaartay.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dhimashada qaraxan oo ahaa mid loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.
Waxaa Goobjoogayaal u Waramey Warbaahinta ay sheegeen in Dad badan ay waxyeelo kasoo gaartey Qaraxan Maadaama ay wadadaasi aad mashquul u aheyd hase yeeshee waan idiin soo gudbineynaa KHasaaraha Nafeed iyo Maal ee uu Qaraxani Geystey.
warsom2011@gmail.com









