Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom Mogadisho Somalia)
2 qofood oo ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee ku jiro xerada Badbaado oo ah Xeryaha ugu weyn magaalada Muqdisho ayaa geeriyootay 7 kalana dhaawac ayaa soo gaaray marki ay isku dhaceen ciidamo ka wada tirsan dowlada TFG-da Soomaaliya Ee Ku Sugnaa Halkaasi.
Isku Dhacaani Ciidamada Dowlada TFG-da ayaa ka danbeeyey marki ciidamo milatari ah ay isku dayeen in ay boob u geystaan raashin macaawino ah oo laga qeybinayey xerada Badbaado kadibna ay ka hor tageen ciidamada ilaalada ka ah Xeradaasi Islamarkaana ay Meesha isku rasaaseeyaan.
Sida uu Warsom U Xaqiijiyay Goobjooge Ku sugnaa xerada marki ay isku dhacayeen labada ciidan ayaa sheegay in uu indhahiisa ku arkay dhimashada laba ruux iyo dhaawaca todobo kale oo u badnaa haween iyo Caruur Meesha Ka Qaadan Rabay Mucaawinada laga Qeybinayay Meeshaasi.
Tani ayaa ah Maalinti sadexaad oo xiriir ah ay ciidamo ka tirsan dowlada Dil U Geesanayaan dad shacab ah oo ay abaaraha kasoo barakiciyeen gobolada dalka Soomaaliya.
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom Mogadisho Somalia)