Xarunta Gobolka Bakool ee Degmada Xudur oo Gebi’ahaanba laga Mamnuucey in Wax Qaad ah laga Dejiyo.

0
550

 

Maamulka gobolka Bakool ayaa ku dhawaaqay in guud ahaan Qaadka laga mamnuucay in laga dejiyo degmada ee xarunta u ah gobolka Bakool.

Maxamed Cabdi Maxamed Tool guddoomiyaha gobolka Bakool ayaa sheegay in wax Qaad ah la keeni karin magaalada Xudur ilaa amar dambe.

Waxaa uu sheegay in sababta ay sidan u sameynayaan tahay in ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Xudur noqdaan kuwo hogaansan oo isku diyaariya sida uu hadalka u dhigay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Gudoomiyaha gobolka Bakool ayaa sheegay in Qaadku guud ahaanba marka la eego caqabad ku yahay sida uu hadalka u dhigay horumarrada kala duwan ee la doonayo in la sameeyo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka waday deegaanno hoos yimaada magaalada Xudur.

warsom2011@gmail.com