Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar Ali Abdel Aal.
Labad guddoomye baarlamaan ayaa ka wada hadlay xiriirka ka dhaxeeya labada Baarlamaan, sidii la isku weydaarsan lahaa waayo aragnimo iyo iskaashi la xiriira howlaha baarlamaanada labada dal.
Sidoo kale labada guddoomiye ayaa yeeshay kulan ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyeyaasha Guddiyada Baarlamaanka labada dal, iyagoo is dhaafsaday aragti ku saabsan horumarinta labada baarlamaanka.
Labada mas’uul ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan wada shaqeyn iyo sidii ay isku weydaarsan lahaayeen horumarinta iyo waayo aragnimada labada baarlamaanka.
warsom2011@gmail.com









