Amarkii M/weyne XAAF ee ahaa in aan duulimaadyada Muqdisho ka yimid Galmudug iman karin oo wasaarada Duulista Hawadu ka hor timid.

0
628

 

Wasaarada duulista hawada dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo kaliya u bannaana tahay in ay go’aan ka gaarto arimaha la xiriira duulimaadyada, kaddib markii madaxweynaha Galmudug garoonka Cadaado uu ka mamnuucay diyaaradaha ka imanaya Muqdisho.

Maareeyaha Guud ee ee Hey’adda saadaasha iyo duulista hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay in hey’adda Duulista Hawada ee dowladda federalka oo kaliya ay tahay midda awoodda u leh amar kasta oo lagu joojinayo duullimaadyada Soomaaliya.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay in garoonka Cadaado loo ogol yahay oo kaliya diyaaradaha sida shaxnadaha gargaarka iyo kuwa AMISOM, laakiin aysan soo cagadhigan karin diyaaradaha kale ee rakaabka ama ay la socdaan dadka siyaasiyiinta ah.

Inkastoo dowladda federaalka sheegtay in iyada oo kaliya xaq u leedahay joojinta duulimaadyada, haddana marar badan oo hore dalka waxaa ka dhaqangalay amar ay soo saareen maamul gobolleedyada oo deegaannada ay ka arrimiyaan uga mamnuucayaan duulimaadyada.

warsom2011@gmail.com