Falkii lagu Diley Xoghayihii Ururka Haweenka oo Wasiirka Amnigu Sheegey in Dad u Xiranyihiin.

0
609

Wasiirka wasaarada ammniga gudaha Maxamed Abuurkar Isloow iyo taliye ku-xigeenka ciidamada booliiska Soomaaliyeed Jen Mukhataar Xusseen Afrax ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falkii maalintii shalay lagu toogtay xoghayihii ururka Haweenka Qaranka Canab Cabdullaahi Xaanshi iyo wiil ay dhashay guddoomiyaha Ururka haweenka.

Wasiir Isloow ayaa sheegay in ay socdaan baaritaanno adag oo kiiskaasi la xiriira, islamarkaana hadda su’aalo la weydiinayo sida uu hadalka u dhigay mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amniga oo loo soo xiray falka dilka ah dhawaanna warbaahinta loo soo bandhigi doono.

‘’Waa wax laga xumaado in degmada Xamar-Weyne oo lagu tilmaamo degmooyinka ugu Nabadoon gobolka Banaadir falka noocaas oo kale ah uu ka dhaco, kaddibna kooxihii geystay baxsadaan’’ ayuu yiri wasiirka amniga Qaranka.

Sidoo kale, waxaa falkan cambaareeyay taliye ku-xigeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jen Mukhtaar Xusseen Afrax sheegay in laamaha amniga ku howlan yihiin baaritaanka arintan ku saabsan.

Magaalada Muqdisho ayaa waayadii ugu danbeeyay waxaa ku soo kordhayay dilalka qorsheysan ee lagula kacayo saraakiisha ciidamada iyo dad kale ee siyaabaha kala duwan xiriirka ula leh dowladda.

warsom2011@gmail.com