Maamulka Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hadal dhawaan sheegay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay ku xayirtay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.
Agaasimaha wasaarada duulista hawada Soomaaliland Cumar Cabdullaahi Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadalka ka yeeray madaxweynaha Galmudug yahay waxba kama jiraan, islamarkaana Soomaaliland u gaar yahay maamulka hawaddeeda.
‘’Waxaan rabaa in aan ka jawaabo warkii ka soo yeeray nin naloogu sheegay in uu yahay madaxweynaha Galmudug oo yiri dowladda Soomaaliya ayaa igu xayirtay garoonka Hargeysa, warkaasi waa waxba kama jiraan Annaga iyo Soomaaliyana waxeynu kala nahay labo dal oo labo calan kala leh, garoomadeenana Annaga ayaa maamulna, amar dowladda Soomaaliya oo halkan ka shaqeynayana ma jiro ayuu yiri’’ Agaasimaha.
Mar uu soo hadal qaaday sida ay u arkayeen in madaxweynaha Galmudug uu soo maro garoonka magaalada Hargeysa isaga oo ka yimid magaalada Dubai waxaa yiri’’ Ninkan waxaa uu la socday diyaarada Fly Dubai waxaa uu ka mid ahaa rakaabkii diyaaradaa saarnaa, Annaga waxaa u arkeyney oo kaliya in uu yahay qof shacab ah oo dadkaa diyaarada saaran ka mid ah, si caadi ah ayaa loo soo dhaweeyay oo waxaa la geeyay qeyba VIB ee dadka Transit –ka la fadhiisiyo, mar danbe ayeeynu ogaanay in uu yahay qof madaxweyne ka sheegta Soomaaliya, marka warkiisu halkaa ayuu been ku yahay’’
Madaxweynaha Galmudug ayaa dhawaan isaga oo jooga Cadaado sheegay in dowladda Soomaaliya muddo Shan saacadood ah ku xayirtay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa kaddib markii ay is hortaagtay diyaaradii halkaa ka soo qaadi laheyd.
warsom2011@gmail.com









