Machad lagu baranaayo culuunta Shareecada Islaamka ayaa laga furay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kaasi oo loogu magacdary Machadka Shareecada Islaamka ee Lafawayn.
Xaflada furitaanka ayaa ahayd mid siwayn loo soo agaasimay iyadoo ay ka soo qayb qaateen bulshada qaybaheeda kala duwan ee magaalada.
Machadka iyo sababaha loo Aas aasay ayaa waxaa faah faahin ka bixiyayMaxamed Maxamuud Cilmi Jiidhe, isaga oo sheegay in Machadka loogu magacdaray magaalada Lafawayn oo ka tirsan gobolka Sool.
Gudoomiyaha Ururka Kasmaal Xaaji Cabdinaasir Axmed Qaybdiid ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta ka hadashay munaasabadatan isagoo ku dheeraaday muhiimada ay midnimadu leedahay iyo xiligan sida loogu baahi waynyahay, waxaa uuna ka waramay taariikhda Ururka iyo waxyaabihii uu soon qabtay.
Macadkan ayaa waxa uu ka mid yahay xarumaha waawayn ee ka shaqeeya arimaha waxbarashada gaar ahaan culuunta Islaamka.
warsom2011@gmail.com









