Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir Oo Isha Bidix Ku Eegaya Gudoomiye Muun Gaab Isha Midigna Howlahooda Ku Wata

0
708

Waraka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom Mogadisho Somalia)

 

Tan Iyo Markii Laga war Helay In Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Mr Muun Gaab Uu Xabsiga u Taxaabay Isla Markaan Xukuno Xarig ah KU Riday Gudoomiyayaasha Degmooyinka Kaaran Iyo X/jajab ayaa Waxaa Cabsi Iyo Wal wal Xoogan ay Soo Food saartay Gudoomiyayaasha kale EE DEgmooyinka Gobolka banaadir

 

Maamulada Dowladda Ee Degmooyinka qaarkood Gaar Ahaan Kuwa Horey U Amin Sanaa In Aan Cidna Wax Ka Cuni Karin ayaa Mar Qura Waxaa la wareegay Cirka Iyo Dhulka Ka Dib Markii ay Ka Naxeen Xariga Iyo Xukunka Jaarkooda

 

Qabiil, Eex, Sad Bursi Iyo Qob Weyne Ka Jiri Jiray Degmooyinka qaar ayaa Haatan Meesha Ka Baxay Waxa Uuna Maamul Kasto il Gooni ah KU Eegaya Gudoomiye Muun Gaab Cabsi Aawadeed

 

Gudoomiyayaal Qaarkood ayaa Waxa ay Bilaabeen In ay La Saaxiibaan Gudoomiye Muun Gaab Si ay U Fushaan Danahooda KU Aadan Dabin Daabyada Shacabka Soomaaliyeed

 

Si Kastaba ha Ahaatee Maamulka Kasta waxa UU Haatan KU Jiraa Dufeys Adag Si Uu Kaga badbaado Mowjadaha Weyn Ee Dhawaanahana KU Soo Fatahay Ciidamada Doowladda Iyo Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir

 

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom Mogadisho Somalia)