Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa goor oo dhaw oo maanta ah ku dhawaaqay golle wasiiro ka kooban 52 xubnood
Madaxweyne Xaaf ayaa ku dhawaaqay 22 wasiir, 22 wasiir ku-xigeen , Sideed wasiiru-dowle kuwaa oo isku darka noqanaya 52 wasiir.
Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa warbaahinta u akhriyay magacyada xubnaha golaha wasiirada.
Wasiirada dib u soo laabtay ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Arrimaha gudaha, wasiirka Amniga Cusmaan (Taardhuleed), wasiirka waxbarashada Galmudug iyo wasiiro kale.


Magacaabista golaha wasiirada ayaa imaneysa kaddib markii baarlamaanka maamulka ay ka biyo diideen go’aan uu horay u qaatay madaxweynaha oo sheegay in uu dib u soo celinayo gollihii wasiirada maamulkii ka horeeyay, hasse ahaatee madaxweynaha ayaa u muuqda mid ka laabtay go’aankiisii hore.
warsom2011@gmail.com









