Degmada Xeraale oo Xaaladeedu Degantahey kadib Dagaalo ka dhacey xaley iyo shaley.

0
870

Xaaladda deegaanka Xeraale ee degmadda Caabud-waaq, ayaa saaka deggan kaddib dagaal shalay ilaa xalay ka dhacay deegaanka.

Dagaalladii ka dhacay deegaanka ayaa waxaa uu u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo xooggaga Ahlusunna.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii ay guul darreysteen wadahadallo u dhaxeeyay labada dhinac,  kaas oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday deegaanka.

Ilaa iyo hadda lama ogga khasaaraha ka dhashay dagaalladii ka dhacay deegaanka.

Maamulka degmadda Caabudwaaq, ayaa sheegay in ay dhawaan ka warbixin doonaan khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Dadka deegaanka ayaa horay uga barakacay xaafadahooda, kuwaas oo ka baqanayay in dagaal uu ku dul qarxo.

warsom2011@gmail.com