In Kabadan 900 Oo askar ah islamarkaana ka mid ah ciidamada XDS oo tababar ku soo qaatay dalka Uganda ayaa maanta ka soo degay Magaalada Mudisho
Gen. Cali Caraaye Cosoble “Gacma dullo iyo Saraakiil kale oo ka mid ah ciidamada XDS ayaa maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay In ka badan 900 oo askari oo tababar muddo Lix bilood ah dalka Uganda ku soo qaatay.
Maanta ayaa sidoo kale garoonka diyaaradaha Adan Adde ee magaalada Muqdisho waxaa Lagu Sagootiyay 1000 Askari oo kale kuwaas oo tababar ciidan ku soo qaadan doona dalka Uganda si ay uga mid noqdaan ciidamada Haatanba ka soo Dagay Muqdisho islamarkaana la doonaya in ay ka mid noqdaan Ciidamada dagaalada kula jira magaalada Muqdisho Al-shabaab
Iyadoo ay Dowladda Uganda ciidamo ka joogaan dalka ayaa waxaa ay hore u soo tababartay ciidamo farabadan oo ka tirsan XDS kuwaas oo ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan meelo farabadan oo awalba ka marnaa gacanta dowlada.