Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Gudoomiye KU Xigeenka XMJS Mudane Cali Maxamed Nuux Tima Jilic Ayaa Jawaab Kulul Ka Bixiyey Hadalka Dhawaan Ka Soo Yeeray Gudoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh aadan Maxamed Nuur Madoobe OO Ku Aadanaa Duulaanka Ciidamada Kenya ay Ku Soo Qaadeen Dalka Soomaalia
Mr Tima Jilic ayaa Sheegay In aanan Marnaba Xisbigiisa Iyo Shacabka Soomaaliyeedba Aqbali Doonin In Ciidamada Dowladda Kenya ay Ku soo Gar Darooto Ciida Soomaaliya
” Waa wax Laga Xumaado Hadalada Ka Soo Yeeraya Shaqsiyaadka Dowladda Ka Tirsan ee Ku aadan In ay Soo Dhaweynayaan Dowladda Kenya Ciidamadooda Anagu Marnaba Ma Oqbali Doono Oraahdooda waxaan Leeyahay Kenya Inta ay Goori Goor Tahya Ka Baxa Ciida Soomaaliya’
Sidoo Kale Tima Jilic ayaa Carabka Ku Adkeeyey In Uu Ka war Qaba danaha ay Ciidamada Dalka Kenya Ku Soo Galeen Ciida Soomaaliya Isagoo Xusay In ay Ku Fashilmi Doonaan
Waan La Soconaa danta ay Dowladda Kenya Ciidamadeeda Ugu Soo Dirtay Soomaaliya Si Kastaba Waa ay Ku Fashilmi Doonaan haddii ay Ku Sii Dhiiradaanna waxa ay La Kulmi Doonaan waxa ay La Kulmeen Kuwii Ka Horeeyey Ee ku Soo Xad Gudbay Dalka Soomaaliya ”
Hadalka Ka Soo Yeeray Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga midnimada Janhuuriga Cali Max’ed Nuux Tima Jilic ayaa ku Soo Aadaya Xilii Uu Qilaaf So Kala Dhexgalay Madaxda Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya kaa oo Ku Aadan Ciidamada Kenya Oo Si Sharci Daro Ah Ku Soo Galay Gudaha Dalka Soomaaliya
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)