Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Sida Uu Inoo Xaqiijiyay wariyaha Warsom U Fadhiya Dalka Kenya (Yaxye Cumar Xasan) ayaa sheegaya in uu soo gaba gaboobay kulan albaabada u Xernaa oo ay wada yeesheen ra’isulwasaare Cabdiwali Max’ed Cali Gaas iyo dhigiisa Dalkaasi Kenya.
Waxaa lagu soo warmayaa in ay heshiiska labada dhinac ay gaareen ayaa sheegaya in ra’isulwasaare Raila Odinga iyo waliba Cabdiwali Gaas dalka Kenya ay qalinka ku duugeen qodobo muhiim ah Islamarkaana ay haatanba isku afgarteen .
Kulankaasi ay Labada Masuul Wada Yesheen islamarkaana Ka Soo baxay Qodobada ayaa waxaa ugu muhiimsanaa in howlgalka ay ciidamada Kenya ka wadaan Jubooyinka ay hogaamiyaan ciidamada dowlada TFG-da Soomaaliya ee lagu soo tababaray dalka Kenya Islamrkaana ay Iyaga Horumuud U Naqdaan Dhamaan Howlgalada ay sameynayaan Ciidamada Dalkaasi Kenya
.
Sidoo Kale Waxaa Ku Jirtay Qodobada In Si Deg Deg Ah looga xoreeyo Al Shabab gobolada Jubooyinka halkaasi Ka Dibna ay Dowlada TFG-da Soomaaliya maamul ay kusoo xuleyso hab beeleed kana wada muuqdaan qabiilada dego goboladaasi Iyadoona ay Dowlada Kenya Wax Jago Ah KA qabneynin Goobahaasi Oo Idil.
C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa kulanka ka sheegay in Sharif Sheikh Axmed madaxweynaha Soomaaliya uu raali ka yahay heshiiskaan isla markaana uu wakiil uga yahay wada hadalada Soomaaliya iyo Kenya waxii Uu Gaas Go’aamiyona Uu Qaadan Doono Shariif.
Waxii Kaloo Ku Soo Jordha Kala Soco Shabakada Wararka soomaaliyeed Ee Warom Iyadoo Faah Faahsan.
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)