Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Dhalinyaro Ka Tirsaneyd Xarakada Al-shabaab Ayaa manta Soo Bandhigtay Hay’adda nabadsugidda qaranka Waxaana Marba Marka Ka Dembeyso soo KordhayaDhaliyarada ka soo baxsaneyso Al-shabaab.
Ku Dhawaad 40 dhalinyaro ah oo ka soo goosatay Xarakada Al-shabaab isla markaana ay maanta soo bandhigtay hey’aadda nabad sugidda qaranka ayaa sheegay in ay Uu Yahay Go’aankooda in ay isaga soo tagaan al-Shabaab kadib markii ay u dulqaadan wayeen dhibaatada ay ku hayaan shacabka Oo Sheegay Mid Ka mid Ah Dhalintaasi Soo Baxsatay
Mid ka mid ah saraakiisha hey’adda nabad sugiidda Qaranka Laguna magacaabo Ibraahim Cumar Aadan ayaa sheegay in hey’addu ku guuleeysatay sidii ay dhalinyarada uga wacyi gelin laheyd Sidii Ay Kaga Soo Baxsan lahaayeen shabaab wuxuuna intaa ku daray in dhaqan celin loo sameeyn doono si loo hagaajiyo mustaqbalkooda Islamarkaana ay Howlgalindoonan.
Dhalinyaradii ka soo goosatay al-shabaab ayaa iyana sharaxay waxa ay shabaabka u qaabilsanaayeen iyo hadda oo ay dowlada ku soo biireen waxa ay filan karaan iyagoo dareen farxadeed ka muujiyay sidii ay u soo dhaweysay Dowlada TFG-da.
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)