War Saxaafadeed Ku Aadan Qilaafkii Madaxda Dowladaha Kenya Iyo Soomaaliya Oo Ka Soo Baxay Xukuumada Soomaaliya

0
476

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

War Saxaafadeed Mowqifka Dowladda Soomaaliyeed.

Bismilahi Rahman Raxiim;

Waxaan halkan Maanta idiin ku soo gudbinayaa dhowr qodob oo ka tarjumeysa Mowqifka Dowladda Soomaaliyeed ee ku aadan xaaladda dhabta ah ee ka jirta qaar ka mid ah Gobolada Konfureed ee dalka.

a) Waxaa nasiib darro ah warar ka soo baxay saxaafadda qaarkeed in ay si khaldan u tarjumeen; cabir xuna ka bixiyeen xaaladda dhabta ah ee ka jirta Gobolada Konfureed ee Soomaaliya.

b) Wararka sheegaya in Dowladdu qabto Mowqif ka soo horjeeda dadaalka Kenya; waa been abuur ka fog xaqiiqda dhabta ah.

c) Labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya waxay wadajir u soo saareen war murtiyeed (communiqué) bishan October 18, kaas oo lagu saxiixay Magaaladan Muqdisho.

d) Dowladda Soomaliya waxay mar kale ku celisay, shalay oo taariikhdu ahayd October 26keedii, in ay ku taagan tahay, kana leexanayn is afgaradkii usbuuc ka hor ay la gashay waddanka walaalaha ah ee Kenya.

e) Ujeedada qoraalkii shalay waxay ahayd in meesha laga saaro wixii mad madow ah ee soo dhex galay is afgaradkii October 18keedii. Waxaan soo saarnay bayaan taageeraya, xoojinayana is afgaradkii hore. Nasiib darro; waxaa dhacday in saxaafadda qaarkeed si khaldan uga warbixiyeen una tarjumeen.

f) Labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya waxay leeyihiin Mowqif mideysan ee ku aadan la dagaalanka kooxda argagixisada Alshabab.

g) Waxaan hoosta ka xariiqnay in labada dal ay iska kaashadaan ka hortagga colaadaha ay wadaan kooxaha argagixisada ah.

h) Dowladda Soomaaliyeed waxay u aragtaa Dagaalka ku wajahan Alshabab; taageero loo fidyey shacabka Soomaaliyeed, waxna ka taraysa xoojinta amniga Soomaaliya, Amniga Kenya iyo Aminga Geeska Afrikaba.

i) Dowladda Soomaaliyeed waxay amaan u jeedinaysaa Ciidamada Soomaaliyeed ee horseedka ka ah dagaalka lagula jiro nabadiidka kooxda Alshabab; si ay uga xoreyaan Gobolada ay xoogga ku haystaan, gacantana ugu soo celiyaan shacabka Soomaaliyeed.

j) Dowladda Soomaaliyeed waxay soo dhoweyneysaa Taageerada Beesha Caalamka IGAD iyo Ciidamada AMISOM.

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)