Dowladda Suudaanta koonfureed ayaa saddex ka mid ah ragga Soomaalida ah ee ku lugta leh Tahriibinta dadka, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Magafayaasha ee dadka u Tahriibiya Libya ku wareejisay dowladda Soomaaliya.
Raggan dowladda Soomaaliya loo soo gacan galiyay ayaa lagu kala magacaabaa Caydaruus C/llaahi Naxar, C.raxmaan Maxamuud Socdaal iyo Liibaan Cabdullaahi Xusseen.
Saddexdan Magafe ayaa Todobaadkii hor laga soo qabtay magaalada Jubba ee Caasimadda Suudaanta Koonfureed, iyadoo la tixraacayo xogta laga helay ninkii ay la shaqeyn jireen oo isna horey sidan oo kale dowladda loogu wareejiyay.
Todobaad ka hor ayay aheyd markii garoonka diyaaradaha Muqdisho laga soo dejiyay nin magaciisa lagu sheegay C/qaadir Cumar Cabdulle oo isna ka mid ahaa dadka wax tahriibiya, kaasoo laga soo qabtay magaalada Jubba ee dalka Koofurta Sudan.








