Kulan Maanta Golaha Waziirada Ay Ku Yeesheen Magaalada Muqdisho Oo Ka Soo Baxay Qodob Muhiim Ah

0
518

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Kulan ay Maanta Magaalada Muqdisho Ku Yeesheen Golaha wasiirada Dowlada TFG-da Soomaliya ayaa si wadajir ah u ansixiyay qorshaha xasilinta Amaanka Qaranka   dalka Soomaalia.

R/wasaare C/weli Maxamed Cali Gaas oo Shir Gudoominayay  Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray arrimaha la dagaalanka musuq maasuqa,  gargaarka bani’aadanimada Ee Dowladaha Caalamka Ku Soo Deeqaan Dalka Soomaaliya iyo Amniga guud ee gobollada dalka Sida ay Isaga Kaashan Lahaayeen Dhamaan Arimahaas.

Wasiir Ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane C/xakiim Cige Guuled ayaa sheegay in qorshahani uu soo socday Sanado Farabadan islamarkaana ay maanta meel mariyeen xubnaha golaha wasiirada dhawaana loo gudbin doono Baarlamnka si ay u Ansixiyeaan Islamarkaa Si Cad Loogu dhaqmo.

Mudane C/xakiim Cige Guuled ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in qorshahani ay ka soo shaqeeyeen muddo sadex bilood ah kaas oo wax badan ka bedeli doona marxalada uu xilligaani marayo Xaladaha Dalka Iyo Sidii Loo Xaqiijinlaha Dhamaan Arimaha ay Isku Raaceen Golaha Waziirada

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)