Mudanayaasha Baarlamaanka Oo Maanta Kulan Ku Yeeshay Magaalada Muqdisho

0
524

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Mudanayaasha baarlamanka Dowlada TFG-da Soomaaliya ayaa maanta xarunta golaha shacbiga ee magaalada Muqdisho Ku yeeshay kulan ay kaga doodayaan sharciga burcadbadeedda Iyo Qaababka Loogu Gudbi Karo Burcadaasi.

Fadhgii maanta oo ay goobjoog ahaayeen ilaa iyo 445 mudane ayaa waxaa shir guddoominayay Shariif Xasan Sheekh Aadan guddoomiyaha Baarlamanka waxaana lagaga doodayay arinta la xiriirta Arimo Ku Aadan Burcad Badeednimda iyo Falaqeyn Dheer Oo Arintaasi la Xiriira.

Kulankii Maanta Ayaa Qaar ka mid ah Mudanayaashii aragtidooda ka dhiibtay ayaa ku kala Aragti duwanaa arinta la xiriirta burcad badeedda, iyadoo qaar ka kalena ay ku doodayeen in la xakameeyo kuwa badda sida sharci darrada ah uga kalluumeeysta iyo suntan Ay Dowladaha Shisheeye Ku Shubayaan Badaha Dalka Soomaaliya

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulankaasi soo Afjaray ayaa mudanayaasha u sheegay in Sadex maalin kadib ay isugu soo laabtan kulanka xiga si guddi ka soo baaraandega loogu saaro burcadbadeednimada Arinta La Xiriira

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)