Dadka degaanka ayaa WARBAAHINTA u sheegay in Afar qof oo shacab ah lagu dilay degaan u dhow xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Dadka shacabka ah ayaa la sheegay in lagu dilay degaanka Kaxan-dhaale ee Gobolka Galgaduud.
Mas’uuliyiin kamid ah degaanka ayaa sheegay in dilka ay geysteen maleeshiyaad Hubeeysan.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha degaanka Galinsoor Xirsi Muuse Maxamed, ayaa sheegay in aan wali la garan sababta balse ay jiraan baaritaano.
Dilalka ku saleysan aanooyinka qaliib ayaa mararka qaar laga soo wariyaa degaanno ku dhow xadka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
warsom2011@gmail.com









