Soomaaliya oo Dhexdhexaad ka istaagtey KHilaafka Khaliijka/waa maxey sababtu?/maxaase ka imaan kara?.

0
632

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay khilaafka siyaasadeed ee ka dhax taagan wadamada Khaliijka, iyada oo sheegtay in ay ka walaacsan tahay xiisada jirta.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dwladda Federaalka ku baaqeyso in khilaafka lagu dhameeyo wada hadal iyo is faham.

Mowqifka dowladda Federaalka ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka ayaa ah mid cad oo ay ku muujineyso in aanay dhinacna ula safneyn dowladaha khilaafka u dhaxeeya.

Arrintan ayaa waxaa ka dhalan kara in ay ka xanaaqaan dawlado taageera dawlada Soomaaliya Sida dalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta,kuwaasoo daneeya arrimaha Soomaaliya,waxeyna xeel dheerayaal siyaasadeed u arkaan Khilaafka KHaliijka in Khiyaano aan hada muuqan meesha ku jirto.

warsom2011@gmail.com