DHageysiga Kiiska Rag lagu eedeynayo Dilkii Ex wasiir Cabaas Siraaji oo ka furmey Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida.

0
647

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah u fariisatay dhegeysiga dacwada loo heysto laba nin oo lagu eedeeyay in ay ka dambeyeen dilka wasiirkii howlaha Guud ee Soomaaliya Marxuum Cabas Sheekh.

Labada nin ee dacwadooda la dhegeysanayo ayaa ahaa ilaaladii Hanti Dhawrahii Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale, sida wakaalladda wararka ee Sonna ay sheegtay.

Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji ayaa u geeryooday xabad gaarigiisa lagu furay darted, isagoo maraya meel u dhow xaruunta madaxtooyadda Soomaaliya, 3-dii bishii May.

Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa xidig soo baxaya oo iftiimaya lahaana mustaqbal ifaya. Marxuum Cabaas waxuu tusaale fiican u ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, madaxda Qarankana aad bey ugu hanweynaayeen, waxaa sidaasi lagu yiri war kasoo baxay dowladda.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Eng. Yarisow ayaa yiri “Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa shaqsi dhalinyaro ah oo si aad ah uga dhexmuuqday golaha wasiirada. Waxuu ahaa shaqsi leh mustaqbal wanaagsan. Waxuu ka mid ahaa dhalinyaradii xerada Qaxootiga Dhadhaab ku soo koray oo wax ku soo bartay, ka dibna dalkiisa hooyo dib ugu soo laabtay si uu waddanka wax ugu qabto.”

warsom2011@gmail.com