Meedadka Askar Ka Tirsan Ciidamada AMISOM Oo Lagu Jiidayo Deegaanka Ceelasha Biyaha Ee Duleedka Magaalada Muqdisho

0
835

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Wararka Ay shabakada wararka soomaaliyeed ee warsom ka heleyso Deegaanka eelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in xarakada mujaahidiinta Al Shabab ay ku jiidayaan wadooyinka meydadka askar ka tirsan Ciidamada AMISOM Eek u dagaalamay Degmada Deyniile Ee Gudaha Magaalada Muqdisho.

Waxaa kale la sheegayaa in la arkayay dad badan oo wadooyinka ku jiid jiidayo meydadka afar askari oo labisan dareeska ciidamada AMISOM islamarkaana la soo warejinayay Wadooyin Farabadan Oo Soo Gala deegaanka Ceelasha Biyaha.

Sodoo kale Wararka waxay sheegayaan in ciidankaasi meydadkooda la jiid jiidayo wadooyinka ay jirkooda ka muuqato rasaas lagu dilay, hase ahaatee lama oga sida ay kusoo qaateen Meedadkaasi Xarakada Mujaahdiinta  al Shabab iydoo Uu Dagaal ka soconaya Degmadaasi Deyniile .

Wadooyinka Soo gala laamiyada Ceelasha Biyaha ayaa qasan iyadoo dadkuna ay la yaabanyihiin waxa dhacaya, halka qaar kalana ay ka baqayaan inuu saameeyo dagaalka ka socdo degmada Dayniile oo ay xarakada al-shabaab kula dagaalamayaan Ciidamada Dowlada TFG-da Soomaliya oo Kaashanaya Kuwa AMISOM Oo Wata Dubaabaad Aad U Farabadan Iyo Waliba Tangiyada Dagaalka.

Ma jiraan Ilaa iyo Haatan  sarkaal ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta  Al Shabab oo ka hadlay dagaalki maanta ka dhacay degmada Daayniile oo ay dowladu sheegatay in ay ka qabsatay Shabaabka Guud Ahaan Degmadaas iyadoona dhan dowlada TFG-da Ay Iyana wax War ah ka soo saarin dagaalkaasi ka socnaya Degmadasi deynile.

 Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)