Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Ciidammada Dowlada TFG-da Soomaaliya Iyo kuwa AMISOM ayaa saakay Weeraro Hor leh ka bilaabay degmooyinkii ay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Gacanta Ku Hayeen iyadoona ay iminkaba Qeebo ka mid ah Degmooyinkaasi ay la wareegeen Dowlada TFG-da Soomaaliya
Ciidammada Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa lagu soo waramayaa in ay dagaalkii saakay kula wareegeen gacan ku heynta qeebo ka tirsan goobihii ay maamul;ayeen Al-shabaab Sida Ex Control Balcad, Warshadii Baastada Saldhiga Degmada Hurwaa, ,isgoyska,Isgoyska SOS,Isbitaalkii SOS, iyo qeybo kale oo ay gacanta ku hayeen Xarakad al-shabaab
Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanno ku yaala duleedka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir waxaana koox wariyeyaal ah oo ka socday Warbaahinta muqdisho tageen deegaanno howd oo dhacda duleedka Waqooyi ee degmada Kaaraan halkaasi oo Saraakiil ka tirsan Ciidammada Dowlada TFG-da kula hadleen wariyyaashaas Soo booqday Goobihii ay saakay dagaalada ka dheceen
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)





