Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
C/weli Maxamed Cali (Gaas) R/wasaaraha dalka Soomaaliya oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka qeybgalay dibad bax ballaaran oo ay ka qeybgaleen shacabka Muqdisho, kaas oo ay ku soo bandhigayaan shacuurtooda iyo sida ay uga xunyihiin xasuuqa loo geesanaya Shacabka Soomaaliyed.
Dr.Gaas oo Studio Konis garoonka kubbada cagta kula hadlay shacabka Muqdisho ayaa marka hore shacabka iyo inta Ay caruurtooda ama Waalidiintooda uga tacsiyeeyay xasuuqii ay ardayda Soomaaliyeed Ee lagula Eegtay Qaraxa Ismiidaminta Aheed Ee Loogu Geestay Magaalada .
R/wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ku guubaabiyay in ay meel uga soo wada jeestaan Dadka Uu ku Sheegay In ay Yihiiin Dhiigyacabyada Kuwaa Oo Ula Jeedo Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab islamarkaana,sheegay in shacabku ay muujiyaan midnimo iyo isku duubni si buu yiri dalka uu ugu soo laabto nabad galyadii iyo Horumarkii.
Dhamaadka Qudbada ayaa R/wasaare Gaas waxa uu dowladda Turkiga uga mahadcelyay wax qabadka iyo gurmadka ballaaran oo ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed, iyo sida ay u daryeeleen dadkii ku dhaawacmay xasuuqii ka dhacay xaruntii harkaha iyo saamaha oo uu sheegay in uu soo eegay kuna farxay markii uu arkay iyadoo ay dhismo ku socoto islamarkaana ay diyaar u yiiiin shaqaalihii in ay sidii hore shaqadooda u sii wataan .
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)





