Xarunta Maamulka Hirshabeelle oo Bumbo Gacmeed lagu tuurey/yaa ka danbeeyey?.

0
511

Koox hubeysan ayaa xalay Bombo-gacmeed ku tuuray  Xarunta Madaxtooyadda Maamulka Hirshabeelle ee magaaladda Jowhar ee xarunta maamulkaas, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Xiligii Bambooyinka lagu tuurayay Xarunta Madaxtooyadda, waxaa ku sugnaa  madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble, oo kulamo kula qaadanayay xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Ciidamadii ku sugnaa Madaxtooyadda ayaa furay rasaas xooggan.

Lama shaacin khasaaraha ka dhashay weerarka, mana jiraan cid sheegatay masuuliyada Qaraxyada.

Xaaladda ayaa saaka caadi kusoo noqotay, waxaana ciidamadda maamulka ay wadaan howlgallo aad u-ballaaran.

warsom2011@gmail.com