Ciidamo Kenyaan Ah Oo La Soo Dhoobay Xadka Ay Wadaagaan Soomaaliya Iyo Kenya

0
493

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Ciidamo ka tirsan Dowladda Kenya ayaa la soo dhoobay xadka ay Soomaaliya kala wadaagto gobolka Gedo xilli maalmihii ugu danbeeyay ay halkaasi ka socdeen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ah labada dhinaca ee halkaasi isku ogaarsaneysay Oo Kala ah Dowlada TFGda Soomaaliya Iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

Kenya ayaa ciidamo kuwa milatariga ah soo dhoobtay xadka ay la wadaagto gobolka Gedo Soomaaliya iyadoo ciidamadaasi ay howl gallo ay  sameeyeen ay ku soo qab qabteen dad lagu tuhunsan yahay in ay ammaan darro ka shaqeeynayeen islamarkaana gacan saar la leeyihiinn Xarakada Al-shabaab.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay gaareen degmooyinka Mandheera iyo Balad Xaawo oo labada ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya,

Howl gallo ay sidoo kale ciidamada milatariga dowladda Kenya ay ka sameeyeen xadka ayaa waxaa ka qayb qaadanayay diyaaraddo kuwa dagaalka oo la arkayay iyaga oo gaaf wareegaya meellaha uu howl galka ka socday islamarkaan ay wax duqeen ah ka geesaneynin Meelaha ay Howlgalada ka smaeynayaan

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)