Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Afahayeen Ciidamada militariga Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa waxa uu ka war bixiyay dagaalkii shalay ayay kula galeen degmada kaaraan Ciidamada Dowlada TFG-da Soomaaliya Oo Kaashanaya Kuwa AMISOM islamarkaan ka sheegtay Guulo wax ku ool ah
Sidoo Kale Abuu-muscab waxa uu sheegay inay fashiliyeen isku daygii Ciidamada Dowladda TFG-da iyo kuwa AMISOM ay ku doonayaan inay ku qabsadaan deegaano hor leh oo ku yaalla degmada Kaaraan.
Waxa uu tilmaamay Sheekh C/caziiz Abuu Muscab in Khasaare culus ay soo gaarsiiyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda TFG-da, islamarkaana ay waxyeelo soo gaarsiiyeen gaadiid ay kusoo dagaal galeen Ciidamadaasi.
Sheekh C/casis Abuu Muscab waxa uu soo hadal qaaday dagaal shalay ka dhacay deegaanka Tuulo Barwaaqo ee gobolka Gedo oo iyana meeshaas shalay uu ka dhacay Dagaal aad u xoogan kaasi oo u dhexeeyey Xarakada al-shabaab iyo Dowlada Soomaaliya
Wuxuuna sheegay in Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay wadada u galeen Kolonyo gaadiid ay la socdeen Saraakiil Soomaali iyo kuwa Itoobiyaan, halkaana uu ka dhacay dagaal sababay dhimashada Saraakiil Soomaali iyo kuwa kale oo Itoobiyaan ah, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah gaadiidka Kolonyada ahaa Waa Sid a Uu Hadalka u Dhigay Afahayeenka Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)





