Banaan bax lagu taageerayo ninka loo magacaabey R/W Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacey.

0
641

Dibadbax lagu taagerayo Raisulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,  ayaa manta waxaa uu ka dhacay Taalada Daljirka-Dahsan ee magaaladda Muqdishu.

Banaanbaxa ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir, waxaana kasoo qeyb-galay duqa magaaladda Muqdishu, Yuusuf Xuseen Jimcaale, Xildhibaano iyo odaydhaqameedyo.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in shacabka reer Muqdisho ay taageersanyihiin madaxweynaha go’aanka uu ku doortay Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale Xildhibaan Duniyo, oo qeyb ka ahayd Banaanbaxa ayaa ka codsatay Baarlamaanka Soomaaliya in ay ansixiyaan Mudane Xasan Khayre.

Ninkan ayaa ah nin hore siyaasadda aan looga aqoon marka laga reebo in uu ahaa nin aad ugu dhaw Madaxweynihiii hore Xasan SH Maxamuud ayna jireen eedeymo la xiriira xagga Musuqa oo Q/midoobey kooxda u qaabilsan la socodka arrimaha Hubka Soomaaliya iyo Eretria ay ku eedeeyeen ku lug lahaanshaha hub suuq madaw lagu kala gao iyo waxyaabo kale.

Xasan Cali KHeyre maahan nin ku yimid la tashiyada Bulshada qeybaheeda iyo Barlamaanka lamana oga in Barlamaanku ogolaan doono iyo in kale.

 

Waa banaanbixii ugu horeeyay ee lagu taageerayo Mudane Xasan Khayre oo ka dhacay magaaladda Muqdisho.

warsom2011@gmail.com