Duqii Hore Ee Degmada Balad Xaawo Oo Lagu Toogtay Magaalada Baladxaawo Ee Gobolka Gedo

0
707

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Axmed Maxamed Yuusuf (Burkuus) oo ah Duqii hore ee degmada Baledxaawo ayaa maalikii shalay  u geeriyoodey dhaawac ay rag hubaysan ugu geysteen gudaha magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Marxuum Barkuus oo mudo dheer ahaa duqa degmada Beledxaawo ayaa waxaa shalay isla gudaha magaalada Beledxaawo ku dhaawacay rag hubeysan oo maalmahaanba caadeysat Dilalka Qorsheesan e Looo geesanayo shaqaalaha maamulkaasii

 Wuxuuna geeriyoodey wax yar kadib markii Cusbataalka la gaarsiiyey iyadoonan wax saalo ah la saarin ayuu ku geeriyooday isla isbitaalki loo in lagu dabiibo dhawacii ay u geesteen ragaaasi.

Marxuum Axmed Maxamed Yuusuf (Burkuus ) oo isaga xilkii duqa degmada Beledxaawo laga qaaday kadib markii ay Al-shabaabku magaalada Beledxaawo gacanta ku dhigeen ayaa saaka la dhaawacay xilli uu ku sugnaa goob shaaha laga cabo oo ku taala bartamaha magaalada Beledxaawo.

Waxaana dhaawaciisa loola cararay magaalada Mandheer ee dalka Kenya halkaas oo uu markii danbe ku geeriyoodey , lamana oga ilaa iyo hadda cida ka danbeysa dilka Marxuum Axmed Maxamed (Barkuus).

Si kastaba ha ahaatee dilka duqii hore ee degmada Beledxaawo ayaa waxaa aad u canbaareeyey guud ahaan dadka ku dhaqan gobolka Gedo gaar ahaan degmada Beledxaawo oo uu mudo 3-sano ah maamulkeeda hayey.

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)