(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay saddex maalin oo boroor diiq ah oo loogu talgalay in loogu duceeyo ardaydii shalay lagu qarxiyay magaalada muqdisho
Wasiirka Warfaafinta C/qaadir Xuseen Maxamed Jaahweyn ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe uu Madaxweynaha dowladda Shariif Sheekh Axmed uu ku dhawaaqay saddax maamood oo barroor diiq ah, si lagu xusuusto dadkii qaraxaasi ku dhintay.
Jaahweyn ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynahu uu xusay in ay tahay maalmo murugo leh oo ummada Soomaaliyeed ay ka tiiraayeeysan tahay, isagoo intaa raaciyay in dowladda ay si aad ah uga xasuunsanesyo dhibaatada lagula kacay ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab falka gumaadka ah iyo calool xumada ah ay u geysteen arday Soomaaliyeed oo aan waxban galabsan in ay arki doonaan abaalmarinta uu Alle ka siiyo.





