(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com
Dowlada Kumeel Gaarka Soomaliya ayaa soo bandhigay dhalinyaro kasoo goosatayXarakada Al-shabaab Ee Dowlada KMG ah iyo ciidamada AMISOM dagaalka kula jirta Gudaha magaalada Muqdisho.
Hay’adda nabad sugidda ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo bandhigay 4 wiil oo la sheegay inay kamid ahaayeen Ciidamada xarakada Al-shabaab kuwaas oo dowlada isku soo dhiibey iminkana ay hayaan Masuuliyiin Ka Tirsan Dowlada Soomaaliya.
Dhalin Yardaan oo lagu kala magacaabo Najii
b Cabdi , Maxamed Cabdi Axmed Cabdi, iyo Jamaal xasan da’dooduna ay u dhexeyso 19-21 sano jir ayaa sheegay inay in badan ay u shaqeynayeen Xarakada Al-shabaab haddana ay go’aan sadeen inay gebi ahaanba joojiyaan xiriirkii ay Al-shabaab la lahaayeen iminkana ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan Dowlada TFG-da Soomaaliya.
Maalmo kahorb ayay aheed markii sidan oo kale laamaha ammaanka ee DKG ay isugu soo dhiibeen 2-Dhalinyaro ahoo la sheegay inay Xarakada Al-shabaabka kasoo goosteen kuwaas oo ay dowlada abaal marino gudoonsiisey iminkana ay ka howlgalaan Laamaha amaanka ee Dowlada TFG-da Soomaaliya.





