SHacabka ku nool Kismaayo oo muujiyey Taageerada ay u hayaan M/weyne FARMAAJO.

0
553

Kumannaan dadweeyne ah ayaa saaka aroortii isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo ayagoo ay ka muuqatay farxad iyo reynreyn, waxaana dadkani ay qaarkood siteen calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayagoo sidoo kale ku dhawaaqayay hal-ku-dhigyo ay ku soo dhaweeynayaan madaxweeynaha cusub ee dalka.

Dadkan oo ka koobnaa, haween, carruur, dhalinyaro, ciidamo iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland ayaa waxa ay socod kusoo mareen wadooyinka waaweyn ee magaalada, ayagoo ku dhawaaqayay erayo ay kamid yihiin “Farmaajo Guul” “Soomaaliya ha midoowdo” iyo hal-ku-dhigyo kale oo ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsanyihiin hogaanka cusub ee dalka.

Dadkan ayaa isugu ururay beerta xoriyadda ee magaalada Kismaayo, halkaasoo ay dadweeynaha kula hadleen madax ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland, kuwaa oo sheegay in ay shacabka la qeybsanayaan farxadda iyo reynreynta.

Inta badan gobollada dalka waxaa maanta ka dhacay dibadbaxyo lagu taageerayo madaxweeynaha cusubu ee Soomaaliya mudane Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo.