Magaalada Muqdisho oo Caawa laga maqley Qaraxyo iyo Madaafiic Hugmeysa.

0
589
SOMALIA, Mogadishu: A photograph taken 05 August 2013 and released by the African Union-United Nations Information Support Team 06 August, shows a general view of Mogadishu skyline looking towards the city centre and central business district of the Somali capital. 06 August marks 2 years since the Al Qaeda-affiliated extremist group Al Shabaab withdrew from Mogadishu following sustained operations by forces of the Somali National Army (SNA) backed by troops of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) to retake the city. Since the group's departure the country's captial has re-established itself and a sense of normality has returned. Buildings and infrastructure devastated and destroyed by two decades of conflict have been repaired; thousands of Diaspora Somalis have returned home to invest and help rebuild their nation; foreign embassies and diplomatic missions have reopened and for the first time in many years, Somalia has an internationally recognised government.. AU-UN IST PHOTO / STUART PRICE.

Qaraxyo waaweyn oo u muuqda kuwa loo adeegsanayay qoriga hoobiyaha ayaa laga maqlay caawa qeybo ka mid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho oo la filayo in maalinta beri ah ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Labo madfac ayaa ku dhacay meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo ah halka lagu wado in maalinta beri ah ay ka dhacdo doorashada, halka madfac kalana la sheegay uu ku dhacay qeybo ka mid ah degmada Xamar-weyne.

Sidoo kale 20 daqiiqo kadib ayaa madaafiic laga maqlay meel ka aan ka fogeyn KM4 oo ka mid ah jidadka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho.

Weeraradan oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay ayaa imanaya saacado ka hor waqtiga loo balansan yahay doorashada xilka madaxweynaha.

Ugu danbeyntii, Kumanaan askari ayaa sugaya amniga magaalada Muqdisho oo lagu arkayo inta badan jidadka muhiimka ah caasimada si ay u xaqiijiyaan nabad-galyada guud.

warsom2011@gmail.com