Warsaxafadeed
(Muqdisho-04-02-2017) Isbahaysiga Xisbiyada Soomaaliyeed, Xildhibaano Qaran, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada; Culumaa’udiinka, Odayaasha Dhaqanka, Haweenka iyo dhalinyarada, oo shirkuyeeshay Magaalada Muqdisho, Hotel Maka Almukarama, iyagoo ka hadlay faragelinta qaawan ee doorashada Soomaaliya lagu hayo, iyo baahida loo qabo isbadal hogaamineed ayaa waxay Cadeynayaan kuna baaqayaan, iyagoo isku duuban:
- Doorashada 2017, waa mid aad ugu muhiim ah dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan kuna yeelan doonto saameyn ballaaran sanadaha 4-ta ah ee soo socda iyo kadibba, sidaa darteed xildhibaanada Soomaaliyeed waa in ay dareemaan ahmiyada ay leedahay oo aysan sahalan waajibka ka saaran badbaadinta Soomaaliya.
- Waxaa cad in dowlada Itoobiya ay ku hayso faragelin qaawan doorashada Madaxweyne ee 2017, iyadoo si cad u garab taagan Musharax Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo dhaawacaysa madax-banaanida dalka, nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya, taasoo xumeynaysa xiriirka labada shacab, horseedina karta in dib loogu laabto kacdoon shacab.
- Waxan ugu baaqeynayaa Xildhibaanada Soomaaliyeed iyagoo isha ku haya xaalada adag ee dalka ku jiro iyo dareenka shacabka Soomaaliyeed ee u heelan isbadal hogaamineed, kana damqanaya faragelinta shisheeye ee doorashada 2017, in ay u codeeyaan soosaarista hogaan wadani ah oo ka turjuma danaha dalkeena.
- Waxaan aad iyo aad uga xunnahay in Madaxweynayaashii Maamul Goboleedyada intooda badan ay iskubadaleen kuwa ka shaqeeya Ololaha Musharax Xasan Sheekh iyagoo dayacay shacabkii iyo deegaanadii loo igmaday ayadoo lagu jiro xili abaareed.
- Waxaan ugu baaqeynayaa UN, Maraykanka, EU, AU, Jaamacada Carabta, in masuuliyadooda taariikhiga ah qaataan xiligan oo ay kahortagaan dadaalka ay Itoobiya ku kar karineyso Mustaqbalka Soomaaliya taasoo wiiqaysa dadaalada nabadeed ee aduunku ka waday Dalka Soomaaliya.
- Waxan dhiirigelinaynaa Shacabka Soomaaliyeed in ay ku booriyaan xildhibaanada in ay ilaaliyaan Madaxbanaanida Soomaaliya, badbaadiyaan qaranimada Soomaaliya, oo ay u hiiliyaan isbadal hogaamineed in dalka ka dhaco, dhabarkana ay ka jabiyaan damacaItoobiya.
- Xaaladda Abaaraha ee adag darteed waxan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed in ay sii laba jibaaraan dadaalada gurmadka Abaaraha.
Waxan Shacabka Soomaaliyeed gaarahaan Culumaa’udiinka ugu baaqeynaa in loo duceeyo Shacabka Soomaaliyeed in Abaaraha uu Ilaahay ka dulqaado, sidoo kalana Doorashada Madaxweyne ee Sanadkan Xildhibaanada ay doortaan hogaan samata bixiya dalka, horumar dhan walba ah nahorseeda.










