Saraakiil Ithopian Ah Oo Jaray Qadka Isgaarsiinta Qaybo Ka mid Ah Gobolada Galgaduud Iyo Hiiraan.

0
505

 

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

 

Saraakiil katirsan ciidamada itoobiya oo ay wehlinayaan qaar kamida ciidamada dowlada TFG-da ayaa shalay galinkii dembe soogaaray deegaanka jilacle ee nawaaxiga isgoska kala ber ee waqooyiga gobolka HiiraanWararka Laga Helayo Gobolkaasi Hiiraan Ayaan Intaasi ku waxa ay ku darayaan in imaashaha kagadaal ciidamadaas ay u ruuqaan sadeen dhanka iyo goobaha xarumada u ah sharikadaha isgaarsiinta ee Hormuud iyo Nationlink ee Gobolka Hiiraan Ka Howlgala.

Sidoo kale ciidamadi itoobiya iyo kuwa dowlada ee halkaasi gaaray ayaa ku amreen shirikadaha in ay bixiyaan lacago baad ah oo aad ufara badan islamarkaana ay ka biyo diideen shirkadahaasii.
Intaasi ka dib ayaa ciidamada guud ahaanba waxa ay xoog uga rarteen qalabki yaalay shirkadahasi oo is ku xirayay qeybo kamida gobolada Hiiraan iyo galgaduud Islamarkaana iminkaba hawada ay ka maqanyihiin labadaasi shirkadood.
Waxaa kalo intaasi u raacsan shacabka ku dhaqan Gobolkaasi hiiraan dhaca ay u geysteen ciidamada itoobiya iyo kuwa dowlada shrikadaha isgaarsiinta ee hormuud iyo nationlink dhibaatooyin iskugujira jirdil iyo qafaalasho qaarkamida dadka deegaanka iyaga oo na ku eedeeyay dadkaas in ay xiriir la leeyihiin xarakada mujaahidiinta Alshabaab ee maamula inta badan Gobolka Hiiraan.
Ma aha markii ugu horeeysay oo ciidamo katirsan kuwa Ithopia iyo kuwa Dowladaba TFG-da ay soo gaaraan deegaanadaas kadib markaasina dadka ku dhaqan goobahaasi ay dhibaatooyin dhanwalibaleh kala kulmaan iyadoona aysan jirin wax masuul ah oo ka hadlay Dhibitaada Shacabka ay ugu geesanayaan ciidamada Ithopia Ee Ku sugan gobolka hiiraan.

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com