(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com
Koox ka tirsan ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lixdii aroornimo ee saakay weerar dhabba gal ah ku qaaday ciidamo dhawaan lagu soo tababaray degmada Doolow Itoobiya kuwaasoo marayay inta u dhaxaysa Balad xaawo iyo luuq Ee Gobolkaasi Gedo.
Sheekh Cabdi Caziiz Abuu muscab Oo ah Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegay in khasaaro xooggan ay u geysteen ciidamadaasi oo kasoo ambabaxay Balad xaawo kuna jeeday degmada Luuq,
Sidoo Kale waxa uu sheegay in meydad badan iyo hub ay uga carareen goobtii dhabba galka loogu sameeyay oo ah meel 30km degmada Balad xaawo kaga began dhinaca degmada Luuq islamrkaana Halkaasi Uu Ka So Garay Qasaaro aad U Baahsan Sida Uu Afahyeenka Hadalka U Dhigay.
Ciidamada Dowlada TFG-da Oo Qasaaro Aad U Baahsan Ka Soo Gaaray Dagaalkaasi ayaa tiradoodu gaareysay 300 Askari oo ciidanka ka tirsanaa
Waxaana ujeedadoodu ahayd in ay caawiyaan ciidamada ku sugan degmada Garbahaarey, Balse waxa ay waayeen wado ay u maraaan iyagoona saaka isku dayay in ay aadaan degmada Luuq, laakin waxaa ku dhacay wixii ay ka baqayeen oo ay uga baaqdeen degmada Garbahaarey oo aheed qasaaraha iminka ka so gaaray dagaalka ay ku qaadeen Ciidamada Xarakada mujaahidiin Al-shabaab.
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com




