Banki ku yaal Mandheera Kenya oo la weerarey hal askerina lagu diley.

0
562

Askari ka tirsanaa ilaalada Banki ku yaala magaalada Mandheera ayaa la dilay kadib markii weerar lagu qaaday xalay bankiga.

Waxaa loo maleynayaa in kooxo ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen xarunta, waxaana la sheegay in markii hore kooxaha weerarka geystay isticmaaleen Bam ay ku tuureen xarunta Bankiga.

Bankiga ayaa lagu magacabaa Equity Bank laantiisa Mandheera, waxana dableyda sidoo kale la sheegay in ay weerareen labo maqaaxi oo ku yaala degmada.

Goobta uu weerarka ka dhacay gaar ahaan xarunta Bankiga ayaa waxaa markiiba gaaray ciidamo dowlada Kenya oo halkaa ka bilaabay baaritaano.

Kooxaha weerarka ku qaaday xarunta ayaa bur bur u geystay qeybo ka mid ah dhismaha, gaar ahaan albabada iyo daaqadaha Bankiga.

Ciidamada dowladda Kenya ayaa isku gadaamay hotel halkaa ka ag dhow oo lagu magacaabo Jabane Hotel iyo maqaaxi yar oo raashinka laga cuno taasoo ka soo horjeeda guriga ku-xigeenka guddoomiyaha Mandheera.

Weerarkan ayaa waxaa uu imaanayaa ayadoo wali bandow uu saaran yahay magaalada Mandheera kaasoo ka bilaabaya galab dhaca kuna eg waabariga hore.

warsom2011@gmail.com