-Laba qof ayaa ku dhimatay halka lagu magcaabo Higlo-dhacda oo magaalada Widhwidh K/galbeed uga beegan, kadib dagaal dhaxmaray maleeshiyada labo beelood.
Dagaalkan oo habeenimadii xalay ka dhacay degaankaasi ayaa la sheegay in uu ka dhashay muran dhinaca dhulka, gaar ahaan lahaashaha ceelal halkaasi ku yaal.
Wasiirka amniga maamulka Khaatumo Keyse Cabdi Yuusuf oo dhacdadaas u xaqiijiyey WARSOM ayaa waxa uu intaasi ku daray in ay wali jiraan isu ciidansi labada dhinac ah, waxse uu sheegay in xaalku haatan degan yahay.
“Xiliga haatan lagu jiro maaha xili dagaal iyo isqabsi, mana fiicna culayska abaareed ee jira in dadka jilicsan dagaal loogu daro” ayuu yiri Keyse isagoo isagoo ku celceliyay baaq nabadeed oo uu u soo jeediyay labada beelood ee muranku ka dhexeeyo.
Ma jirto wax iskuday ah oo ka madax banaan labada dhinac oo isku hawlaya sidii ay xabada u joojin lahaayeen, waxaana dad degaankaas ku sugan ay HOL u sheegeen in ay ka cabsi qabaan dagaal lagu khasaare balaaran geysta, waxaana ay sheegeen in ay jiraan waxgarad labada dhinaca ah oo aan badnayn oo isku deyaya in dagaal danbe uusan dhicin.
Ugu danbeyntii, goobta lagu dagaallamayo oo ah goob ku taal dhulka oomanaha ah ee hawdka ayaa waxa ay leedahay biyo laasas ah taasoo aan xili abaareedkan sina looga maarmin ayey noqon doontaa mid culays xoogleh ku soo kordhisa dadka reer guuraaga ah oo la daalaa dhacaya abaartii ugu xumayd ee soo marta dhulkan.
warsom2011@gmail.com






