Warbaahinta Madaxa banaan Qaarkood oo u muuqda in lagu hantiyey Laaluush.(faallo)

0
568

Sida dadweynaha Soomaaliyeed ay la socdaan waxaa dalka gudihiisa ka hawl gala warbaahin madax banaan oo timaami jirey qalooca hugaamineed ee dalka isla markaasna ay qaarkood la kulmeen Dil,Xabsi,iyo hanjabaadyo ay qaarkood dad weynaha usoo bandhigeen,kuwaasoo shacabku meel cidla ah uusan uga tagin kuna garab istaageen Af iyo addinba.

Waxaa beryahan soo ifbaxaya Warbaahinta qaarkood oo mar qura is rogey una adeegaya siyaasaddii guracneyd ee shaley ay la dagaalamayeen iyo kuwii dhibaatada hore ugu soo geystey iyagoo ku qancey kuna illoobey wixii loo geystey iyo kaalintii dadkii garab istaagey,qaarkoodna iyaga awgood dhib usoo gaarey.

Waa Qaar ka mid ah TVyada, Idaacado,websiteyo,iyo wargeysyo shaley u muuqdey in dhaliishoodu tahey Toosin laakiin maanta caddeystey in ay ahaayeen dhuuni u dirir aaney Qaddiyad wadaniyadeed ku jirin,mar hadiiba ay maanta u adeegyaan kuwii ay shaley sheegayeen in ay xadgudub geysanayaan Hanti boobayaan isla markaasna Laaluush iyo wax isdaba marin ku shaqeynayaan.

Hadaba guntii iyo gabangabadii ma la oran karaa kuwaasi waa warbaahin dhex dhexaad ah lehna mid ku shaqeysa ANSHAXA warbaahineed ee uu tilmaamayo Xeerka Saxaafadda kal hore Barlamaankii 9’aad meelmariyey?,jawaabtu waa Maya waxaana habboon in kuwa nuucaas ku shaqeynaya wey u muuqdaan dadweynaha,weyna maqlayaan waana aqrinayaan waxa aad bulshada u gudbineysaan ee is daba qabta,hana kusoo jeesanina intii shaley idiin hiilisey oo garta waxa ay idiin garab siiyeen.

warsom2011@gmail.com

hormuud logosalaam bankbeccotabaarak